Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted

Orodyahanka Mo-Farah Oo Magaalada Hargeysa Booqasho ku jooga

Hargeysa.11/04/2007,(TogdheerSports.com)Waxaa Todobaadkan Hargeysa Socdaal ku yimid Orodyahanka Caanka ah ee u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland balse haysta dhalashada Dalka Britain .  Mo-Farah oo dhawaan ka soo  kicitimay Magaalada London ee wadanka Ingiriiska, Mo Farah waa Orodyahan wacdaro ka dhigay dacalada dunida ee orodka 3000m ilaa 5000m waana Horyaalka dalka Britain,  waxa uu ciyaaritisii u dambeysay ka soo noqday laba Todobaad ka hor waxaanu ahaa orodada "CROSS-COUNTRIES oo ka dhacay Magaalada Mombasa ee wadanka Kenya.

Mud. Mo Farah waxa  galay kaalinta 10 aad Adduunka iyada oo ay kulankaas ka qayb galeen orodyahano caanka ah dunida mudana kusoo  jiray orodka,  haddana waxaa la yaab noqotay kaalinta uu ka galay mo farah oo metalayay Dalka   britain oo ah wiil da, yar oo si layaableh kusoo shaac baxay .
 
Si kastaba hanoqotee mo waa orodyahanka Britain ay ku xisaabtamayso ciyaaraha Olympic gameska ee lagu qaban doono london sanada 2012ka, mo Farah waxa uu inta badan tababaradiisa ku qaataa wadanka south africa madaama uu yahay wadamada ugu jooga sareeya  marka laga reebo Ethiopia.
 
Mo Farah ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweyay caasimadda hargeysa .  socdaalka Mo Farah oo ah mid aan hore loo si shaacin ayaa war aanu wax ka waydiinay Mo Farah waxa ku sheegay Socodaalkiisa  mid xiiso wadanimo iyo nasasho ah uu ku yimid wadankiisa hooyo ee Somaliland .

Mo Farah ayaa maalamaha soo socoda kulamo la yeelan doona Gudoomiyaha Xidhidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Mud.Xassan Finiin iyo orodyahanad reer Hargeysa.

 

La soco Waryesi xiiso badan oo aan la yeelanay Orodyahanka Mo Farah

wins European cross-country
Mo Farah  Ingiriska marku ku guulaystay 2006 ...

 

Shiine Cilmi Kaahin Reporter Togdheer Sports. Hargeysa

www.togdheersports.com

 

 

posted by 0

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions