Gobolka Togdheer Oo Ku Guulaystay Koobkii kubadda cagta Ee Tartanki Afraad Ciyaaraha Gobollada Somaliland 2007
Togdheer Champions Somaliland 2007
10/08/2007 ( Togdheersports)Togdheer ayaa gacanta ku hantiyay koobkii kubada cagta gobolada Somaliland ee sanadkan 2007 .ka dib marki ciyaartii kama danbaynta ahayd Ee Finalka Rigooryal kaga badiyen xulki goboolka Awdal
Ciyaartan Maanta ayaa ahayd ciyaarti ugu adkayd Ee ka dhacda Hargeysa Stadiom ka dib marki ciyaartii kama danbaynta ahayd Finalka iskaga hor yimaaden Togdheer oo sanadki 2003 ku guulaysatay isla koobkan iyo Awdal oo sanadkan u ahaa sanadkii ugu horeyay u soo gudban Final ciyaartan ayaa qaybtii hore waxay ku dhamaatay 1-0 Awdal goolka lahayd waxana awdal goolka u dhaliyay Xasan Dafe oo sitay lanbarka 17aad
Qaybtii labad Ee ciyaarta marki laysu soo noqday ayey Togdheer la yimaaden goolkii bar bardhaca waxana u dhaliyay Maxamed Axmed oo sitay lanbarka 5 ciyaarti ayaa wakhtiigi loogu tala galay waxay ku soo gaba gaboowday 1-1
Waxaa sidi sharciiga ahayd la dhiigay Rigoorayal ama ladka xorta koox kasta waxay soo xulatay shanti ugu adkayd balse koox kasta waa dhashaden shantoodi waa la si waday koox kasta way dhashaden gaba gabadi wax la wadaba ladki xoorta ahaa waxa ku guulaystay Togdheer oo dhashatay 10 Rigoore halka Awdal 9 dhashaden
Togdheer ayaa ku guulaysatay koobki Afraad kubada cagta 2007 waana sanadki 2aad ku guulaystan koobkan sanadkii 2003 ayey ku gulaysten halka ay sanad walba yimaaden Final
Sawiiradi ciyaartan iyo damashadkii Togdheer iyo warki oo dhamaystiran iyo marki la gudoonsinayay koobabka dib ayanu ka soo galin hadi alaha awooda leh ogalaado
Togdheer Champions Somaliland 2007
Togdheer Champions Somaliland 2003
Togdheersports Online