Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted

Ciyaaryahanka Africa 2009
  
 
Shanta u soo hartay xulashada ciyaarahanka sanadka 2009-ka

WAAYAHA DROGBA

Didier Drogba waxay ugu bilaabatay 2009 si caajis ah. oo ilaa bishii January toban ciyaarood oo uu u saftay Chelsea oo kaliya 1 gool ayuu dhaliyay.

Waxaa sanadka uu ugu soo gabagaboobay, iyadoo booskiisa sanadka 2010 ciyaaraha adduunka uu banaanka u yaallo, Chelsea ay ugu sarayso Premier League Englanda iyo dardar ay ku wadaan Champiaons League. waxaa boorsada ugu jira biladda hanashada koobka FA cup, waxaana aad loogu aqoonsaday in uu yahay ciyaaryahanka ugu firfircoon ee ka dheela dalkan Britain.

Wuxuu u dhaliyay Chelsea 12 gool ilaa sanadka, waxaana ugu dambayntii uu isbahaysi la samaystay Nicolas Anelka.

Dhinaa ciyaaraha caalamiga ah, wuxuu 6 gool ka dhaliyay shun kulan oo uu ka qaybgalay ee Ivory Coast ay ugu soo gudbaysay ciyaaraha adduunka 2010-ka, oo uu ku jira goolkii horseeday in ay xaqiiqsadaan u soo bixidooda ciyaaraha adduunka, kaasoo uu dhaliyay daqiiqado kadib markii ciyaarta badal lagu soo galiyay.

Qaladaadkiisa waxaa ka mid ahaa, hadal caro leh oo uu si toos ah ugu yiri kaamarooyinka telefishinka, kadib markii Chelsea ay Champions League-gii ugu dambeeyay ay ka hartay, kaasoo muddo looga mamnuucay ciyaaraha. Balse, si kastoo ay dabeecadiisu taha, lama beenin karo heerka uu ka joogo weerarka.

Marka Drogba aysan ka qasnayn, Chelsea iyo Ivory Coast labada natiijo ayay keenayeen, sanadkanna 2009 kama qasnayn.

WAAYAHA ESSIEN

Michael Essien Waxaa uu ka mid yahay ciyaaryahanada ugu ciyaaraha wanaagsan adduunka, doorka uu ka ciyaaray ciyaaraha naadiyada iyo dalalkaba sanadka 2009-ka waxaa lagu tilmaamay kuwii ugu wanaagsanaa intii uu ciyaaraha ku jiray.

Inkastoo sanadkan uu ugu dhashay isagoo ku jira liiska dhaawaca, hadana wuxuu dib ugu laabtay in uu Chelsea ku dhiirigaliyo in ay guulo soo hoyso oo ay ka mid ahaayeen biladda qalinka ee kaalinta labaad iyo in uu ku caawiyo dalka Ghana in uu u soo baxo ciyaaraha adduunka ee 2010-ka

Muhiimadda uu u leeyahay kooxda Chelsea, waxay soo muuqataa marka uu ka maqan yahay Chelsea oo kooxdu way rafataa, inkastoo ay joogaan ciyaaryahada muhiimka ah sida Didier Drogba, Frank Lampard iyo Nicholas Anelka.

Chelsea waxay awoodi waysay in ay la saan qaado hogaamiyayaashii Premier League ee Liverpool iyo Manchester United intii uu ka maqnaa Essien, taasina waxay dhalisay in bishii February shaqada laga eryo tababarihii reer Brazil Luis Felipe Scolari.

Soo laabashadii Essien ee dhaawaca uu ka soo kacay bishii April, waxay muujisay sida uu kooxda muhiimka ugu yahay, iyagoo guulihii ay bilaabeen ay noqotay in kooxdii ay xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay gashay kaalinta labaad.

Waxay ugu dambaystii ku guulaysatay kooxdu FA cup-ka, waxay ciyaarihii semi-final uga hartay Champions League inkastoo ay ahayd xaaladu laga murmurmay.

Xilli ciyaareedka lagu jiro, waxaa uu Chelsea ku caawiyay in ay ka adkaato Machester United, waxaana uu ilaa hadda u dhaliyay kooxda Buluuga 6 gool.

Essien wuxuu Ghana ku laabtay bishii September waxaana uu kooxdiisa u dhaliyay gool, iyagoo kooxda Sudan 2-0 kaga adkaaday noqdayna dalkii ugu soo horbaxay kooxaha Africa ciyaaraha adduunka ee 2010-ka.

Qiimaha uu ugu fadhiyo kooxda lama dhayalsan karo. wuxuuna aad muhiim ugu yahay guulaha kooxa qaranka Ghana iyo kooxda Chelsea.

Awoodiisa in uu ka ciyaaro dhexda iyo geesaha iyo difaacaba, ayaa ka dhigaysa ciyaaryahanka uu noociisu yar yahay.

SAMUEL ETO

Eto wuxuu ugu dhamaaday xilliga 2008-2009 dalka Spain iyadoo uu 30 gool ka dhaliyay 36 kulan oo uu saftay, iyo lix uu ka dhaliyay 12 ciyaaraha Europe ah oo uu ka qaybgalay, iyadoo kooxdiisa Barcelona ay guulo muhiim ka keentaylabada tartan ee La Liga and Champions League.

Intaas oo dhac waxaa ka horeeyay iyadoo guddoomiyaha Barca Pep Guardiola uu si cad u sheegay in uusan danaynaynin in uu ciyaaryahanka Cameroun ku sii hayo naadiga.

Hase yeeshee, Eto ayaa xilligu ugu dhamaaday isagoo niyadiisu sarayso oo meel sarena kaga jira ciyaaraha Spain, waxaana uu dhaliyay goolkii furitaanka ee tartanka ciyaarta kama dambaysta ahayd ee Champions League, iyadoo Barca ay 2-0 kaga adkaatay kooxda Manchester United magaalada rome.

Taas, ayaa ka dhigtay ciyaaryahanka labaad, kan kale ee Raul, ee waligii ciyaaro kala duwan oo finalka Champions League ka dhaliyay goolal. Eto goolka labaad wuxuu ka dhaliyay Arsenal ciyaartii finalka ay isaga horyimaadeen sanadkii 2006-da.

Wali Barca ma doonaynin in ay sii haysato ciyaaryahanka Africa ee sadexda jeer, waxaana loo diray dalka Talyaaniga iyo kooxda Inter Milan.

Kooxda qaranka Cameroun oo libaaxyada aan la loodi karin, iyadoo uu magaceeda wato, ayaa wuxuu Seria A-da Talyaanig auu ku bilowday si wanaagsan, waxaana lix gool oo uu ka dhaliyay 12 kulan oo uu ka qaybgalay ay ka dhigaysaa mid ka mid ciyaaryahanada ugu wanaagsan.

Markii tababaraha Cameroon uu u magacaabay captain, ayaa Eto kooxdiisa oo Group A ee ay ku jirtay uu u horseeday in ay ugu sare martay Groupkeeda, waxaana uu dhaliyay sadex gool oo meel uga soo baxay kooxda.

Barcelona iyo Cameoon sanadkii 2009, Samuel Eto waxaa uu u ahaa ciyaaryahanka aan la joojin karin

TRESOR MPUTU MABI

Kooxda TP Mazembe ee horumarka sare gaartay noqotayna horyaalka africa markii labaad kadib 41 sano, ayaa guusheeda loo aanaynaa hal nin in uu door wayn ku lahaa. waa Tresor Mputu Mabi.

Sidoo kale ayaa guusha Dr Congo uu kaalin ku leeyahay.

Mputu wuxuu soo baxay 2007, markii uu noqday ciyaaryahankii ugu goolal dhaliska badnaa tartanka champions League ee Africa iyo koobka Confederations Cup.

Kooxda Mazembe waxay ku guuldaraysatay in ka gududbay Group-da, balse 2008-da ayay kooxdu ku dhowaatay in ay gaarto semi-final.

Kadib Mputu, oo 23 jirsaday, wuxuu sii waday in uu noqdo ciyaaryahan baaluqay, oo captain-na looga dhigay naadiga Lubumbashi oo uu la gaaray in ay sanadka ku guulaystaan tartanka.

Isagoo ka ciyaara booska in yar ka dambeeya weerarka, ayaa wuxuu awood u leeyahay in uu xirfadiisa ku siro difaacyada, xirfadiisa ayaa ka dhigaysa ciyaaryahan ay adag tahay in laga soo horjeesto.

Howsha uu kooxda u qabtaa waa mid gaar ah, kooxdiisa isaga ayaa u maamula kubadda, waana qofka ay siiyaan inta badan kubadda weerarka ku socota, iyadoo inta badanna uu ku biiro gooldhaliyayaasha.

Waxaa lagu wareersanaa sababta ciyaaryahan xirfadaa leh ay ku dhacday in uu ka sii ciyaaro qaaradda Africa, iyadoo uu leeyahay xirfadaha dhaliyay in ciyaartoydu ku yimaadaan kooxaha Europe.

Hase yeeshee, Mazembe ayaa ka dhigtay mid ka mid ah ciyaaryahanada mushaarka ugu sareeya ka qaata qaaradda Africa, taasoo abaalmarin u ah daacadda uu u yahay naadigiisa, waxaana dhowr jeer uu diiday in uu u tago kooxo dibedda ah.

Hase yeeshee, iyadoo ballan ku qaaday in uu la joogayo nadiiga, ayaa hadala wuxuu naadigu ku guulaystay Champions League, wuxuuna hadda diyaar u yahay in uu howshaas sii wado.

Yaya Toure

12-kii bilood ee la soo dhaafay, shaki kuma jiro hadii aad aragto Barcelona iyo Ivory Coast ciyaaryahanka dhexda uga ciyaara ee Yaha Toure uu ka gudbay ciyaartoy wanaagsan in uu yahay oo uu gaaray heer lagu tilmaamo xidig caalami ah.

Wuxuu kaalin wayn ku lahaa guulihii kooxda xilligii 2008-2009. markii ay ku guulaysata koobka Champions League kadiba bishii August ay ku dareen kaalinta labaad ee tartanka Spain iyo koobabka waawayn ee Europe, ee loo yaqaan European Super Cups.

Waxaa saadaashu ay muujinaysaa in sheekada Yaya Toure xilligiisa heerka naadiyada ilaa kooxdiisa ka badinaysa Manchester United finalkii ilaa bilowgii tartankaas wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda tiirka u ahaa kooxda.

Waligii calaamadda guduudan ma qaadan ilaa 25 ka mid ah ciyaaraha Barcelona ee tartanka La Liga xilligii la soo dhaafay.

Muhiimadda uu u leeyahay kooxda Barca waxay cadaatay markii uu ka maqnaaday. 3 ka mid ah guuldarooyinka Barca ee xilligii ugu dambeeyay waxay dhaceen iyadoo Toure uu dhaawac ku maqan yahay.

Joogitaanka Toure wuxuu sidaas oo kale muhiim ugu yahay kooxda qaranka ee Ivory Coast, wuxuuna ciyaaray shan ka mid ciyaaraha qaranka ee Ivory Coast ugu soo baxday Ciyaaraha adduunka iyadoo aan marna laga badin.

Tartanka kaliya ee uu ka maqnaa waxaa uu ahaa kii kooxdiisa 5-0 ay gurigeeda uga adkaatay kooxda Mali bishii March, ciyaarta oo si murugo leh loogu xusuustay is dardarkii ka dhacay oo ay ku dhinteen ilaa 19 qof.

Toure waxaa uu kooxda Barcelona kaga soo biiray dalka Giriiga naadiga Olympiakos iyadoo laga bixiyay €9 million sanadkii 2007 balse wuxuu kordhiyay qiimaha uu ugu fadhiyo kooxda Barcelona, taasna waxaa lagu muujiyay iyadoo naadiga ay isla ogolaadeen in qandaraaskiisa la kordhiyo ilaa sanadka 2012.

Si kastaba, warbaahinta Spain ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa aad u hareeyay wararka ku saabsan naadiyada England, waxaana aad loo hadal hayay in ay dhici karto in uu ku biiro kooxda Arsenal ama kooxda Manchester City, iyadoo qaarkood ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan ilaa lacagta Euro €25 million si ay u soo qaataan.

BBC SPORT

posted by Mubaarik Yuusuf

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions