Cabdisalan Cabdiqadir Ibrahim oo noqday Cayaaryahankii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ka dheex muqda garoomada lagu cayaaro Horyaalka Premier league
Birmingham/12/01/2010(Togdheersports.com)Cabdisalan waxaa uu inabadan higsanaayey inu ka cayaaro horyaalka Ingiriska "Premier league , taarikhdu markii ay aheyd 16/02/07 ayuu kooxda Macheshester City heshiis rasmi ah qalinka ugu dugtay Cabdisalan, heshiskaas waxaa kooxda Machester City u matalaayey Barry Poynton oo ah madaxa sare Akademiga iyo Cabdisalan Cabdiqadir Ibrahin oo matalaayeen Frank Hansen iyo Cabdiqaadir cadaay oo ah abaha dhalay Cabdisalan , .heeshiski maalinta hadaladi u halka ka yidhi Barry waxaa ka mid ahaa Cabdisalan waa nin dhalinyara kana fa'idaysan doono sanado badan oo soo socda ,
Cabdisalan Cabdiqadir Ibraahim waxaa ka mid ahaa kooxda reserveska cayaarti u danabysay u cayaaray waxay ahayd 01 12.2009 waxay la cayaaren kooxda Hull oo 2-0 kaga badiyen , Cabdisalan ayaa labada gool mid ka mida dhaliyay halkan hoose ka akhriso
http://www.mcfc.co.uk/News/Reserves-news/2009/December/Reserves-v-Hull
Cayaartan xalay wada cayaarayen Manchester City iyo Blackburn oo aad iyo aad dawashadeeda dadka Soomaaliyeed degen Ingiriska sugaayeen , madama Cabdisalan oo asal ahaan yahay Soomaali , waxaa la bilaabay wakhtigii loogu tala galay waxaa si fudud 4-1 ugu badisay kooxda Man City balse Cabdisalan mu cayaarin waxuse ka mid ahaa 18 cayaartoy kooxda Man City u xulatay cayaartan 4-1 kaga badiyen Blackburn
Soomaalida degen wadankan Ingiriska ayaa ku faraxsan cabdisalan inuu ka mid noqdo kooxda heerka kowaad ee Man City, isla markana u noqdo cayaaryahnki ugu horeyay ka dhex muqda garoomada waaweyn lagu cayaaro horyaalka Ingiriska [Premier league] sido kale waxaa xidhiidh la so sameeyay shabakada www.Togdheersports.com iyo jariidada weyn www.enterprisenewspaper.org abaha dhalay Cabdisalan oo ah C/qaadir Mohamed Ibraahim ( Caddaay) oo degankisu yahay Machester horena uga mid ahaan jiray Garsoorayaashii kubadda cagta dalka Soomaaliya islamarkaana ka mid noqday garsoorayaashi caalamiga oo telifon nagula soo xidhiidhay si noogu xaqijiyo inu wilkiisu ka mid noqday 18 cayaartoy kooxda Man City u xulatay cayaartan Blackburn la ciyaarayan
Halkan hoose ka akhriso cayaartoygi kaydka u ahaa Man City
• 12 Taylor,
• 16 Sylvinho,
• 44 Boyata,
• 08 Wright-Phillips,
• 10 Robinho,
• 14 Santa Cruz,
• 48 Ibrahim
•
• http://news.bbc.co.uk/sport1/hi/football/eng_prem/8443696.stm
B Yuusuf(Bidhi)
Birmingham /Uk