Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted

Xulka Masar ayaa soo gaaray Finalka Koobka Qaramaad Afrika Ee dhawanaahaan ka socda Magaalooyinka Waddanka Angola oo Marti galinaye Koobkaani African Nation Cup.

 

 

 

 

Xulka Masar iyo Alegeria oo Wada Ciyaaray Ciyaartii Semi Finalka Koobkaani ayaa ahayd mid xiisa gaar ah leh Maadaama Lawada xasuusto Labadaani Xul waxii dhex maray Markii ay isku arkayn Kulan kala bax ah Isreereebka Koobka Adduunka oo ugu danbayntii Xulka Algeria usoo gudbay kadib markii Xulka Masar 1-0, ugu adkaaday Kulan kala bax ah oo Waddanka Sudan Lagu qabtay.

Ka hor Ciyaartaani inta ay san ciyaarin Labadaani xul Ee Reer Carbeed ka ah aaya waxa si wayn loogu hadal haye Caalamka iyo Magaalooyinka Wawayn Ee Algeria iyo Masar, oo Cadawtinimo aan caadi aahayn Ee isku haya Labadaani wadan iyga oo  Xarumooyinkoodii ugu waawaynaa Ee iska burburiyeen Kalabaxii isreerebka Koobka Adduunka kadib, iyadoo dhacdadii ugu wayneed ay ahayd kadib Markii ay is fureen Lamaane Carruur badan isku dhalay oo u kaal dhashay Labadaani Waddan Ee Masar iyo Alegria.

Bilaawgii Ciyaarta ayaa ka duwaneed Tii Isrereebkii Koobka Addunka, waxay ku bilaabatay Ciyaartaani Jawi meel dhexaad ah, ma aysan jirin Fawolo iyo dagaalo ka dhaxeeye Ciyaartoyda Labada Dhinac, ciyaarta waxay ahayd mid ay ku mashquulsanaayeen sidii ay gool ku heli lahaayeen iyagana aan gool looga dhalin,

Hosni Abd Rabou ayaa Goolka kowbaad u saxiixay Xulka Masar Daqiiqadii 37-aad kadib markii Xulka Algeria Calaamada Cas laga siiye Rafik Halliche, qaybtii hore Ee Ciyaarta, Goolkaasina waxuu ahaa mid rigoore, ah walow Gool hayihii Xulka Algeria Faouzi Chaouchi uu muran badan kaga kaynay qaabkii Hosni Abd Rabou uu ugu dhaliye Rigoorada ah uu ku tilmaamay Mid Cag celis ah.Taasoo  Garosoorihii ciyaarta uusan ka aqbalin qayladi Goolahayaha Xulka Algeria waxuuna abaal marin ugu dhigay Calmaada Yellow Cardka.iyadoo qaybtii hore Ee Ciyarta kusoo idlaatay 1-0 Ee Hogaanka ku ahysay xulka Masar Maxa Dhacay Qaybtii Labaad?

Markii la isku soo biya cabay waxaa la iskugu soo laabtay Garoonka Estadio Nacional de Ombaka Stadium, oo Ciyaarat ka socotay, Weerar iyo Weerar celis oo al isku qaaday Xulka Algeria waxuu kufakirayey inuu Maamulka Ciyaarat ka dhigo mid xiiso leh oo Bareejo ah, halka Masar oo ku raja waynaa inuu daafacdo Goolka uu leyahay islamarkaana uu helo Gool niyad jabin kara Ciyaartoyda Alegria.

Mohamed Zidan ayaa Gool aad u quruxbadnaa oo 15 Mile ujira Goolka ayuu daba mariye Gool hayihii Xulka Algeria, Daqiiqadii 65-aad, iyadoo markaasi Ciyaarta  noqotay 2-0 Oo Xulka Masar Taageerayaashoodii niyadda gashteen inay ka aarsadeen Xulka Alegria Wixii uu ku dhigay Kulankii Sudan ka dhacay.

Ciyaartoyda Xulka Alegria, oo caro ka muujiye Labada Gool Ee hogaanka loga hayo, ayaa waxay doorbideen inay Ciyaaraan Ciyaar xanaaq leh taasoo sababtay in markale Calmada Casaanka Loo taago Nadir Belhadj Daqiiqadii 70-aad, taasoo Xulka Algeria E ku ciyaareesay 9 Ciyaartoy.

Mohamed Abdelshafy oo badal kusoo galay Ciyaarta ayaa Goolka 3-aad ka dhaliye Xulka Algeria, Daqiiqadii 81-aad, oo markaasi Maamulka Cnrolka Ciyarta Ee Xulka Masar la wareegtay.

Gool hayaha Xulka Alegria Faouzi Chaouchi  oo horay u qabay Yellow Card ayaa markale loo taagay Calamada Casaanka ah isagoo laga saaray Ciyarta, markaasi Oo Layabaka Ciyaarta dhacay, taasoo ah Xulka Alegria oo ku Ciyaaresay 7 Ciyaartoy, markii mid ka mid ah ay lagu badalay Gool hayihii Ciyaarta so galay.

Mohamed Gedo Oo Badal kusoo gaaly Ciyaarat ayaa soo afjaray Goolashii ay Xulka Masaarida ku awood roonaadeen Dhamaadkii Ciyaarta Daqiiqaddii 90-aad,

Xulkal Masar oo ah Xulka Daafacanaya Koobkaani Qaramada Afrika ayaa markeeda Todobad doonaysa inay hanato Koobkaani Qaramada Afrika.
Dhanka kale Chana iyo Nigeria ayaa kulmay Semifinalka Koobkaani Qaramaad Afrika, iyadoo Kulankaani uu ahaa mid xiisa gaar ah leh, islamarkaana Ay Labadaani Xul ayaa ah Xulalka  ugu tunka wayn Qarada Afrika, iyagoo soo reebay Xulal aan la dhayalsan karin,
Gyna Asamoah oo ah Xidig ay ku tahsatao Xulka Chana ayaa u sahlay inay soo gaarto Semi Finalka Koobkaani iyo Finalka Kadib markii uu dhaliye Goolkii lagu quusiye Xulka Nigeria.

Chana Waxay Finalka Koobkaani la Ciyaari doontaa Xulka Masar oo Ka taqluusiye Xulak Algeria, iyadoona Kulanka Finalka Ay Ciyaari doonaan Maalinta Axadda, halka Kulanka Kaalinta 3-aad, Sabtiga ay Ciyaari doonaan Xulalka Algeria iyo Nigeria.

Sida Lookala Hantay Koobkaani Qaramada Afrika.

N°  Guul  Wadamada  Sanadaha
1- 6 koob  Egypt         1957, 1959, 1986, 1998, 2006, 2008
2- 4 koob  Ghana       1963, 1965, 1978, 1982
3 -4 koob  Cameroon 1984, 1988, 2000, 2002
4 -2 koob  Nigeria      1980, 1994
5 -2 koob  Congo DR   1 968, 1974
6- 1 koob  Côte d’Ivoire   1992
7 -1 koob  Tunisia   2004
8 -1 koob  Sudan    1970
9 -1 koob  Algeria   1990
10 -1 koob  Morocco  1976
11 -1 koob  Ethiopia   1962
12- 1 koob  South Africa   1996
13 -1 koob  Congo   1972

Axmed Xasan Cali

Addisababa

Itoobiya

 

 

posted by Mubaarik Yuusuf

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions