Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted

Tartankii Nederland Championship iyo Mr Magan

 

image

Akhristow waxaa baryahanba ka socday magaalada Leeuwarden ee dalka Nederland cayaaro kubada miiska ah oo loo yaqaan Nederland championship oo sanadwalba lagu qabto magaalooyin ka m id ah  wadanka Nederland. 

 

 

Cayaarahan oo runtii aad u xiisa badnaa , waxaa ka soo qayb galay  dhamaan cayaartoyda ugu cul culus  uguna kartida roon dalka Nederlaan -

Waxaa iyaguna cayaarahaas ka soo qayb galay una soo daawasho tagay madaxda gobalka lagu qabtay ciyaarahaas iyo waliba madaxda ugu saraysa  ciyaaraha ee gobolkaas.-

Intii aan hadaba ciyaarahani bilaabmin waxaa  si qurux badan iyo dardaaran ugu soo dhaweeyay madashii ay ciyaarahani ka dhacayeen oo loo yaqaan Sporthal Kalverdijke, ayaa waxaa khudbad qiimo badan ka jeediyay  Mr Marco Florijn oo ah madaxa ciyaaraha Gobolkaas-
.

 

Akristow  khudbadihii iyo furitaankii ka dib  ayaa halkaas waxaa fooda isku daray cayaartoydii ka socotay dhamaan gobolada Nederland.

Mr Magan waa mucjisadii kubada miiskee  oo waliba ka socday gobolka ama magaalda Leeuwarden iyo Jan Harten oo Gobolkiisa looga yaqaan Gaashaankii Gaabnaa . Cayaartaas oo si aad ah loo xiisaynayay , waxaanad ka dareemaysay sida garoonka loo soo buux dhaafiyay iyo sida gaar ahaam Mr Magan loo xiisaynayay , maadaamaa uu ahaa laacibka kaliya oo asal ahaan ka soo- jeeday qaarada Africa , si wayna loo xiiseeyo hab cayaareedkiisa.



Ciyaartaas oo si qurux iyo xarago badan ku socotay, gaar ahaan weerar iyo weerar celis ,  Mr Jan Hart oo lagu yaqaan difaac cajiib leh , iyo mucjisadii kubada miiska oo caan ku noqday weerarka , ayaa runtii xarago iyo qurux u sii yeelay ciyaartaas. Cayaartaasi waxay gaba gabadii ku dhamaatay 3-2 guushii Mr Magan.

Akhrisow markale sadex cayaarood oo uu Mr Magan  ka soo kala badiyay ayuu waxa uu na siib u helay in uu  yimaado Finlekii ama gabagabadii cayaaraha..

Nasiib wanaag isna waxaa dhinaca kale ka soo baxay Mr T,de Vries oo ay isku gobol ka wada socdaan Mr Magan.

 

Waxay ciyaartaasi iyaduna ahayd  mid si cajiib leh u dhacday .  Mr T de  oo runtii caro badan qabay maadaamaa uu mar walba ka badiyo Mr Magan ayaad ka dareemaysay in uu doonayo in ay dadwaynaha reer Nederland mar uun arkaan isaga oo dhulka fooda u dhigay cayaartoyga ugu caansan dunida waa Mr Magan.

In kastuu Mr T,de  dadaalay runtiina soo jiitay indhaha taakeerayaasha gobolka ay kawada socdeen , hadana sidii caadadu ahayd waxaa afka ciida loodaray Mr T,de.

Halkaasana ay guushu markii 4raad ku raacay Mr Magan .  magic of table tennis.

Runtii akhristow waxaa Mr Magan si sharafleh koobkii u geeyay gobalka uu ka soo jeedo oo ah gobol si fiican u soo dhaweeyay, aad-na mar walba ku ar kayso darbiyada iyo xayaysiimaha qiimaha leh ay  Mr Magan ku amaanayaan  wax qabadkiisa guud iyo shaqsiyadiisa gaarka ah.





Akhristow hadaba waxaa mahadaas leh dhamaan umada Somaaliyeed ee xiisaysa cayaaraha , noocuu doono ha noqdee.


haddii aad doonayso in aad si aad ah uga bogato ciyaaryahan magan Daahir booqo webkan hoos ku qoran:

www.magantahir.com

 

By Mr Mahad Turbashaash

 

 

posted by Mubaarik Yuusuf

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions