Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted

Aqoon Isweydaarsi Habaynta Siyaasadda Isboortiga Oo Ka Furmay Djibouti

 

 

image

 

Djibouti: Waxaa magaalada Dijbouti ka furmay Aqoon iswdeydaaarsiga ku saabsaan Habaynta Siyaasadda iyo Isboortiga oo ay soo agaasintay wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga iyadoo ay maalgelisay hay`adda Qaramada midoobay dhinaca siyaadda ee UNPOS.

Aqoon isweydaarsigan oo ay ka qeybgalayaan mas`uuliyiinta wasaaradda  dhallinyarada iyo isboortiga, Guddiga Olambikada Soomaaliyeed,khabiiro Isboorti iyo xubno ka socda Xildhibaanada DFKMG,Xafiiska dowladda Madaxweynaha iyo kan Ra`iisul wasaaraha  iyo wakiilka UNPOS  ee dhinaca arimaha bulshada.Ugu horeyn aqoon isweydaarsigan ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay agaasimaha  guud ee wasaaradda dhallinyarada Isboortiga  Saacid Maxamed oo ka warbixinyay dadaalka loo galay hirgelita barnaamijkan wuxuu carabka ku dhuftay inay rajeynayaan in ay ka soo baxaan   qorshe habaysan oo siyaasadda Soomaaliya ee dhinaca Isboortiga Lagu horumarinayo.

Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] ayaa  isaguna ku dheeradaay sida uu ugu faraxsan yahay hirgelinta aqoon isweydaarsigan ku aadan habaynta  siyaasadda Isboortiga Soomaaliya  wuxuuna xusay marxaladihii kala duwanaa ee uu isboortiga  isagoo tibaaxay in Isboortiga mowdadaii dolwad la`aanta inuu qeyb weyn uu ka soo qaatay habaynta siyaasadda Isboortiga Somalia, wuxuuna iminka sheegay in muhiim ay tahay in la helo fikir horumarineed oo ku aadan siyaasadda  habaynta Isboortiga Soomaaliya.

Wasiirka   Dhallinyarada  iyo Isboortiga  Marwo Khadiijo Maxamed Diiriiye ayaa waxa ay tibaaxday in ay muhiim tahay in si wada jir ah loo helo siyaasad ka tarjumaysa horumarinta Isboortiga Soomaaliya taasoo ay sheegtay  in la doonayo inay ka soo baxaan aqoon Isweydaarsigan fikrado dhaxalgal u ah hanaanka habaynta siyaasadda isboortiga Somalia.

Waxaana sidoo  halkaasi khudbad ka soo jeediyay Wakiilka UNPOS  ee dhinaca arimaha bulshada  Albert Charles French oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yahiin  inay  aqoon isweydaarsigan ay ka qeyb khabiiro isboorti iyo mas`uuliyiin dowladda iyo dhinaca Guddiga Olambikada Soomaaliyeed.

QODOBADII LAGA HADLAY MAANTATaariikhda Isboortiga Soomaaliya Doorka Isboortiga ee dib u dhiska Nabadda

Waxaa jawiga uu ahaa mid si wanaagsan la isku dhaafsanayay fikrado la xiriira  sidii loo heli siyaasadda  saldhigata ee ku aadaan isboortiga Somalia.








 

 


By Said Ibrahim Hussein [BUUNA]

 

 

posted by Mubaarik Yuusuf

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions