Maanta oo ahayd maalin ay jirtay hal ciyaar ayaa ahayd mid ka duwan maalmihii caadiga ahaa marka laga eego dhinaca kubadda cagta,waxaa sidaas oo kale barbarsocdey tartan aad u xiisa badnaa oo dhinaca ciyaarihii fududaa ee EuroSom taas oo loo qabtay caruur iyo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay ciyaaraha EuroSom ee sanadkan 2010.
Haddaba aqristow waxay ciyaarahaas si gaar ahaan ah u farxad geliyeen caruurta ay da’dooda aad u yar yar yihiin iyo waalidiintooda,si kastaba waxaa lagu talagalay tartankii ciyaraaha fududaa ee maanta waxaan ay ciyaarahaas ay u dhaceen si aad u qurux badan.
Tartankan ayaa waxaa uu ahaa mid ay kasoo qayb galeen caruurta iyo dhalinyaradda da’dooda u dhaxeeyso 6 jir ilaa iyo 40 sanno jir.
Gabagabaddii ayaa waxaa caruurtaas iyo dhalinyaraddii kasoo qayb gashay waxaa lagudoonsiiyey kalimihii ay kala galeen bilado dahab,qalin iyo maar isugu jira,waxaana ay u kala galeen sida hoose.
CARUURTA DA’DOODA 5-6 JIR EE 50m
1.Abdimalik
2.Luqman Abdulkadir
3.Musse Aden
CARUURTA DA’DOODA 8 JIRADDA 50m
1.Ahmed Abdirahman
2.Ayub Abdulkadir
3. Shamso Osman
CARUURTA DA’DOODA 9-12 JIRKA AH 80m
1.Liban Gure
2.Ahmed Abdulkadir
3.Abdulkadir Abdi Osman
DHALINYARADDA 14-15 JIRADDA 100m
1.Osman Mahamed
2.Sady Farah
3.Yusuf Abdulle
CARUURTA DA’DOODA 15 – 19 JIRADDA 100m
1.Ali Mahad Abdi
2.Abdifatah Mohamed
3.Amin Ahmed
DHALINYARADDA DA’DOODA 18 JIR ILAA IYO WIXII KA WAYN 1500m
1.Dahir Hassan
2.Amin Ahmed
3.Abdullahi Ismail
GOTHENBURG IYO SWESOM OO CIYAAR XIISO LEH SOO BANDHIGAYCiyaar aad u xiiso badnayd oo ay dadweynaha wada sugayeen ayaa waxaa galabta garoon ay ciyaaraha kasocdeen ee magaaladda Helsinki waxaa kusoo bandhigay laba kooxood oo ka wada yimid wadanka Sweden,kuwaas oo kala ahaa SweSom iyo Gothenburg.
Ciyaartan ayaa waxaa ay ku bilaabatay jawi aad u degan oo labadda kooxoodba ay midba mida kale iska ilaalinaysay isla markaasna ay ku xisaabtamayeen kubadkastaa iyo meesha loo baasayo,si kastaba ha ahaatee waxaa goolkii ugu horeeyey ku hormaray kooxdii Swesom oo halkaas ka dib ku hogaamisay mudo hal gool iyo eber,qadar daqiiqado ah ka dib ayaa waxaa gool layimid kooxdii oo halkaas barbardhac ka dhigay kooxdii kasocotay magaaladda Gothenburg ee wadanka Sweden.
Si kastaba ha ahaatee waxaa gabagabaddii halkaas 2 iyo 1 ay guushii ku raacdey kooxii reer Gothenburg ee wadanka Sweden.Labadan kooxood ayaa waxaa ay isku meel kuwada jiraan iyaga iyo kooxda Kanava,haddaba horey ayaa waxaa u wada ciyaaray kooxaha Kanava iyo Gothenburg oo halkaas guusha ay ku raacdey kooxda Kanava ,ciyaartii maantana waxaa ay guushii raacdey kooxdii Gothenburg,hadaba waxa lasugaa waa ciyaarata ay wada yeelandoonaan kooxaha Kanava iyo SweSom taas oo ka dib la ogaandoono cida usoo baxda ciyaaraha semifaynalka.
Abdiaziz Godah
agodah@hotmail.com
Helsinki-Finland