Xiddiga sare Xulka Argentina iyo Kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ugu hambalyeeyay Dhamaan dadka Muslimiinta ah bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo u rajeeyay dhamaan taageerayaasha iyo saaxiibadiisa sooman ee kala ciyaara kooxda Barcelona inay ku soomaan Nabad iyo farxad.
Caawa waxaa Karaama Restaurant ee magaalada Oslo ka dhacay xaflad casho sharaf ahayd taas oo loo qabtay laba kooxood oo ka mid ah kooxaha Somalida ah ee ka cayaara Dalka Norway ahaana kuwii ku guulaysatay darajada koowaad iyo ta labaad ee 18 may cup kaas oo loo dhigay 16 kooxood oo ka mid ahaa kooxada ka cayaara magaalooyinka dalka Norway